๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ฌ๐ต ๐ข๐ธ๐๐ผ๐ผ๐ฏ๐ฎ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ–Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka John Mulimbaย oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqalaha gobolka, socdaalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey dowladda Uganda sanad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada qaateen, isagoo uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadato nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka , John Mulimba ayaa dhankiisa sheegay in Uganda ay ku garab taagan tahay Soomaaliya ku biirista Bulshada Bariga Afrika, si sare loogu qaado isdhex-galka dhaqan-dhaqaale ee waddamada gobolka.
DHAMMAAD.
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/