๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ž๐˜‚ ๐—ซ๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎโ€ ๐—ซ๐˜‚๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—บ๐˜‚๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ฎ๐—ต ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ป๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—น ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ถ๐—ด๐—ฎ”

Muqdisho 11, March, 2023—Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda daah-furka Siyaasadda Ilaalinta Daryeelka Bulshada Soomaaliyeed ee dan-yarta ah, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada.

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay muhiimadda ay warbixintani u leedahay ilaalinta bulshada nugul ee u baahan garab istaagga, gaar ahaan dhinacyada beeraha iyo wax soo saarka gudaha, si loo yareeyo saboolnimada.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa soo bandhigtay warbixinta Siyaasaddan oo daaha ka qaadaysa hannaankii looga hor tagi lahaa cunto yari soo wajahda dalka iyo sidii loo hormarin lahaa kaabayaasha dhaqaale.

–DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

instagram:

opmsomalia