๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ ๐ ๐ฎ๐, ๐ฌ๐ฎ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ—Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daah-furay hannaanka tirakoobka dadka iyo guryaha Soomaaliya oo ay soo diyaarisay Waasaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, gaar ahaan Hayโadda Qiimeynta Qaranka ย (National Statistics Agency).
Barnaamijkan oo socon doona muddo labo sano iyo dheeraad ah ayaa laga fulinayaa dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, iyada oo dowladda uu ka caawinayo bixinta adeegyada bulshada, amniga iyo dhaqaalaha.
Raโiisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in muddo hadda laga joogo in ka badan afartan sano ay ugu danbeysay tirakoob lagu sameeyo dadka Soomaaliyeed, waxuuna ku ammaanay hayโadda Qiimeynta Qaranka iyo Wasaaradda Qorsheynta dadaalkooda ku aadan sameynta hannaanka tirakoobka dadka iyo guryaha Soomaaliya.
–DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia