๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐๐ ๐ซ๐ถ๐ด๐ฒ๐ฒ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐ด๐ฎ๐น๐ฎ๐ฏ๐๐ฎ ๐พ๐ฎ๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐ธ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐พ๐ผ๐ผ๐ป๐๐ถ๐ด๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐ฑ๐๐ฎ๐๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ฎ๐ฌ, ๐ฆ๐ฒ๐ฝ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ-Ku simaha Raโiisul Wasaaraha ahna Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa galabta qaatay kaarka Aqoonsiga dadweynaha, isaga oo sheegay in hirgelinta kaarka Aqoonsiga uu xal u noqon doono caqabado badan oo bulshadeenna haysta.
Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay muhiimadda uu kaarkan u yeelan doono bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan duruufaha amni oo ah caqabadda ugu wayn ee hadda dalkeenu la tacaalayo, isagoo intaa ku daray hadda wixii ka danbeeya qof kasta oo muwaadin ah yeelan doono sumad iyo meel xogtiisa loo raaco.
Gabogabadii Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka, ayaa ku bogaadiyay hayโada NIRA shaqada waddo isagoo kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dadaalka, isla markaana Xukuumadda #DanQaran muhiimad gaara siin doonto sidii loo gaarsiin guud ahaan dalka.