Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐—ฅ๐—ฎ’๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐˜† ๐˜…๐˜‚๐—ฏ๐—ป๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฟ๐—ผ ๐—ฎ๐—ต

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐˜‚ ๐Ÿฏ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—ท๐—ผ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏ—Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah.

Raโ€™iisul Wasaaruhu markuu arkay:

Qodobka 97aad faqradiisa 3aad e Dastuurka KMG.

Qodobka 98aad faqradiisa 2aad Xar. A&B ee Dastuurka KMG.

Qodobka 100aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG.

Howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda JFS.

Markuu tixgeliyay:

Talada Madaxweynaha JFS

Markuu garowsaday:

Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay:

  1. Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar โ€“ Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
  2. Mudane Axmed Jaamac Cumar โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Raโ€™iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad.

Mudane Xamse ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

–DHAMMAAD—

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

instagram:

opmsomalia