๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ญ๐ด, ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ท๐ผ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka, kaas oo looga hadlay qodobada mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha dalka iyo barnaamijka dayn cafinta.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray kobcinta cilmi baarista dhaqaalaha, kobcinta heerka nolosha shacabka Soomaaliyeed, iyo wada shaqeynta heyโadaha kala duwan ee dowladda iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, si loogu diyaar garoobo koboc dhaqaale waara marxaladda ka dambeysa deyn-cafinta iyo ka xoreynta.
Raโiisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Golaha dadaalkii ay ku bixiyeen diyaarinta wejiga 1-aad ee Hiigsiga Qarni-jirka ee 2060-ka, isagoo faray inay dardargeliyaan qorshaha dhaqaalaha dalka kadib Deyn-cafinta iyo sidii dalku u yeelan lahaa kaaboyaal dhaqaale oo xooggan.
โDHAMMAADโ-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
@SomaliGov_Spox
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia