๐ฅ๐ฎ’๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐น๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ด๐ ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐พ๐ฎ๐ ๐ถ๐ป ๐ฎ๐ ๐ซ๐๐ธ๐๐๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ธ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ด๐ฒ๐ฒ๐ฟ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ฐ๐ถ๐ฟ๐ถ๐ฏ๐๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐บ๐ป๐ถ ๐ ๐๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ, ๐พ๐ฎ๐ฏ๐๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ, ๐บ๐๐๐๐พ-๐บ๐ฎ๐ฎ๐๐๐พ๐ฎ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ฎ๐ฌ, ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ท๐ผ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqangelinayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada.
Shirkan oo ah kii 9-aad ayaa soconaya muddo saddex maalin ah, waxaana ka soo qeyb galay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyadoo lagu soo bandhigayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in horumarka dalka ay hortaagan yihiin afar wax yaabood oo haddii aan wadajir looga gudbin aan la sameyn karin wax horumar ah, kuwaas oo kala amni xumo, qabyaalad, musuq-maasuq iyo maandooriye, dhallinyaradana looga baahan in ay dowladda ku gacan siiyaan ciribtirkooda.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ammaanay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon yahanka ah oo kaalin mugleh ka qaadanaya amniga dalka, dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.
Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay halka ay dhallinyaradu uga jiraan nolosha bulshada ayaa sheegay in dal aan lahayn cuddud dhallinyaro oo xoog leh uusan horumar gaari karin.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda DanQaranย ayย dhallinyarada Soomaaliyeed u abuurayso fursado shaqo, waxuuna ku ammaanay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha abaabulka iyo isu keenidda dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay afkaartooda ugu biiriyaan dowlad-dhiska.