๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐๐ฎ๐ฎ๐ง ๐๐, ๐๐๐๐โRaโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta daah furay Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha, ayaa shaqadiisu tahay qabashada cabashooyinka dadweynaha ee ku saabsan xadgudubyada ay galaan ciidamada NISA ee ka dhanka ah xuquuqda iyo xorriyaadka aasโaasiga ah ee muwaadiniinta, iyadoo dadweynaha Soomaaliyeed ay si toos ah u soo wici karaan xafiiskan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirodoonka Qaranka hirgelinta Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo ah mid sii adkaynaya kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen hay’adda.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in horumar la taaban karo ay ku tallaabsatay hay’addu sannadihii dhawaa, waxuuna kula dardaarmay hoggaannada kala duwan ee hay’adda in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan kor-u-qaadidda amniga Qaranka.
โ DHAMMAADโ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
@SomaliGov_Spox
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia