๐ฅ๐ฎ’๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ธ๐๐น๐ฎ๐ป ๐น๐ฎ ๐พ๐ฎ๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ ๐๐ฒ๐๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ฃ๐ฎ๐ธ๐ถ๐๐๐ฎ๐ป ๐๐ฟ๐ถ๐ณ ๐๐น๐๐ถ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ ๐ฎ๐ฒ, ๐๐๐ป๐ฒ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay Madaxweynaha dalka Pakistan, Mudane Arif Alvi, oo isna sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka sanadkan.
Raโiisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Pakistan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo xoolaha.
Waxaa sidoo kale Mudane Xamsa iyo Mudane Arif ay isla soo qaadeen qaabkii ay labada dhinac isaga gacan siin lahaayeen la dagaallanka argagixisada, waxaana ay isla qaateen in la diyaariyo wufuud labada dhinac oo ay kala hoggaaminayaan wasiirrada arrimaha dibedda, si loo sii ambaqaado dhaqangelinta qodobada muhiimka ah ee ay ka wada hadleen Raโiisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.
–DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia