Muqdisho 5 January 2023โRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
Wakaaladda oo u dabaaldageysa sanadguurada 59aad ee markii la aasaasay, ayaa Raโiisul Wasaaruhu waxa uu ugu hambalyeeyay shaqaalaha iyo madaxda SONNA shaqada qurxoon ee ay u soo qabteen Qaranka Soomaaliyeed mudadaasi ku dhaw lixdanka sano.
Raโiisul Wasaaraha ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta, isla markaana siiyay Telefishinka Qaranka wareysigii ugu horreeyay tan iyo markii uu qabtay xilka, kaasi oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan amniga iyo siyaasadda.
Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Wasiirka, Wasiir Ku xigeenka iyo Agaasimeyaasha Wasaaradda Warfaafinta, oo uu ku ammaanay hawsha wanaagsan ee ay qabteen la dagaallanka fikirka xagjirka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaariijta.
—DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia