𝗗𝗮𝗿 𝗲𝘀 𝗦𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺, 𝗧𝗮𝗻𝘇𝗮𝗻𝗶𝗮, 𝟮𝟱, 𝗝𝘂𝗹𝘆, 𝟮𝟬𝟮𝟯—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kaga qayb galaya Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika, ayaa kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey Jaaliyadda guulaha Xukuumadda #DanQaran ee ku aadden dowlad-dhiska Soomaaliya, dib-u-xoreynta dalka, deyn cafinta, kobcinta dhaqaalaha, arrimaha horumarinta bulshada, shaqo abuurka dhallinyarada iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa, isaga oo ku bogaadiyey doorkooda ku aadden horumarka dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka dhageystay xubnaha Jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool dalka Tanzania iyo doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka.
Dhankooda, Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Tanzania oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay sida ay isugu duuban yihiin, islamarkaana ay wada-shaqeynta dhow ula leeyihiin Safiirka Soomaaliya u fadhida dalkaas Marwo Sahra Cali Xasan iyo guud ahaan Safaaradda.
—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia