𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝗮𝘆 𝗶𝗻 𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝘂 𝗮𝘆 𝗸𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗲𝘆𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗼 𝘀𝗶𝗱𝗶𝗶 𝗵𝗼𝗼𝘀 𝗹𝗼𝗼𝗴𝘂 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗶 𝗹𝗮𝗵𝗮𝗮 𝗾𝗶𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗫𝗮𝗷𝗸𝗮

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝟬𝟵, 𝗔𝘂𝗴𝘂𝘀𝘁, 𝟮𝟬𝟮𝟯— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu soo gunaanadayey hawlaha xajka ee sannadkii tagay, taas oo lagu qiimeynayey qorsheyaasha hirgalay iyo caqabadihii soo food-saaray xujeyda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sannadkan wax badan laga qabtay hagaajinta hawlaha xajka ee dadka Soomaaliyeed, dowladduna ay dadaal badan ku bixisay sidii ay uga hortagi lahayd dhibaatooyin badan oo soo food saari jiray xujeyda Soomaaliyeed inta aysan ka dhoofin dalka iyo markii ay gaaraan dhulka barakaysan ee Xaramka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in hoos loo dhigay kharashaadkii ku bixi jiray Xaajiga Soomaaliyeed sanadkan in ka badan $700, walina ay Xukuumaddu ku sii dadaaleyso sidii loo sii yarayn lahaa qiimaha, halka guddi loo saaray korjoogteynta adeegyada, Tayada iyo xaaladda nololeed ee Xujeyda Soomaaliyeed ee soo gudanaysa acmaasha barakaysan ee Xajka.

𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia