๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐— ๐—ถ๐—ฑ๐—ผ๐˜„๐—ด๐—ฎ ๐—ฌ๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐—ฏ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—พ๐—ผ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐˜…๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—น๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ

Muqdisho, Arbaco, 22 February 2023— Raโ€™iisu Wasaarahaย  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen sidii mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya loogu salayn lahaa barnaajiyada ahmiyadda u leh xukuumadda Dan-Qaran.

Danjiraha Midawga Yurub Ms Tiina Intelmann ayaa la wadaagtay Raโ€™iisul Wasaaraha in Midowga Yurub uu sii wadi doono barnaajiyadda horumarinta ee uu ka taageero Soomaaliya, iyadoo sheegtay in xilligan Midowga Yurub kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa u jeediyay Danjiraha Midowga Yurub in mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda xilligan, gaarย  xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta oo hadda ay xukuumaddu ka wado hannaankii dadka deegaanka lagu gaarsiin lahaa adeegyadda aasaasiga ee Khawaariijtu ka curyaamisay.

—DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

instagram:

opmsomalia