๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ฏ๐ผ๐ผ๐พ๐ฑ๐ฎ๐ ๐ฐ๐ถ๐ถ๐ฑ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ซ๐ผ๐ผ๐ด๐ด๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐ธ๐ ๐ต๐ฎ๐๐น๐ฎ๐ป ๐ฐ๐ถ๐ฟ๐ถ๐ฏ๐๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐๐ต๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ถ๐ท๐๐ฎ
๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ปย ๐ฌ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐นย ๐ฏ๐ฌ,ย ๐๐๐ด๐๐๐,ย ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Raโiisul Wasaaraha ayaa ujeedada safarkiisu ay tahay sidii uu u dhiirigelin lahaa geesiyaasha ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee gacanta birta ah ku ciribgoynaya inta yar ee kaga harsan kooxaha Khawaariijta Galmudug iyo Hirshabelle.
Raโiisul Wasaaraha ayaa kuurgeli doona isbeddellada nololeed ee ka jira deegaannadii laga sifeeyey Khawaarijta, oo ay ka mid tahay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal, isla markaana kulamo gaar ah la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Taliska Ciidanka X.D.S ee laga hoggaamiyo dagaalka ka socda Galmudug iyo Hirshabelle ee lagu sifeynayo argagixisada.
Waa safarkii labaad ee uu Raโiisul Wasaaruhu ku tago degmada Aadan Yabaal, taas oo muujineysa ahmiyadda ay Xukuumaddu siineyso xoreynta iyo sugidda amniga dalka.
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย
#OPM
#SifeyntaKhawaarijta
#SooqaboKhawaarijka
#hakaharinhowgalka
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ย โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia