๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ โ๐ช๐ฎ๐ฎ ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ถ๐ธ๐ต๐ถ ๐ฎ๐ต ๐ผ๐ผ ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ด๐ผ๐ผ๐ฏ๐ท๐ผ๐ผ๐ด ๐ธ๐ฎ ๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ๐ ๐๐ต๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฏ๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฒ๐ฒ๐ฑ ๐ผ๐ผ ๐ฎ๐ ๐ ๐๐ผ๐ผ ๐น๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐ ๐ฎ๐พ๐๐๐พ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ฑ๐ถ๐ถ ๐ฑ๐ฎ๐๐๐๐๐ฟ๐ถ๐ด๐ฎ ๐ฎ๐ต๐ฎ๐๐ฑโ.
๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ โ๐ช๐ฎ๐ฎ ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ถ๐ธ๐ต๐ถ ๐ฎ๐ต ๐ผ๐ผ ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ด๐ผ๐ผ๐ฏ๐ท๐ผ๐ผ๐ด ๐ธ๐ฎ ๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ๐ ๐๐ต๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฏ๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฒ๐ฒ๐ฑ ๐ผ๐ผ ๐ฎ๐ ๐ ๐๐ผ๐ผ ๐น๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐ ๐ฎ๐พ๐๐๐พ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ฑ๐ถ๐ถ ๐ฑ๐ฎ๐๐๐๐๐ฟ๐ถ๐ด๐ฎ ๐ฎ๐ต๐ฎ๐๐ฑโ.
Muqdisho, Arbaco, 16 Abriil 2025: โ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagey xarunta diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ee degmada Shangaani oo ay ka socoto diiwaan galinta dadweynaha doonaya in ay qaataan kaararka codbixinta doorashooyinka oo muwaadinka xaq u siinaya in uu doorto ciddii uu doonayo inay hoggaamiso.
โWaa guul in Shacabka Soomaaliyeed xaquuqdoodii u soo laabatay oo ay codkooda ku dooranayaan cidda ay rabaan, dadka leh doorasho qof iyo cod ah dalkaan kama dhici karto, waxaa beeninaya dadkaan safafka ku jira oo muujiyey in ay diyaar u yihiin in aysan marti ka noqon goโaannadooda masiiriga ahโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa.
Raโiisul Wasaaraha oo ka hadlayay goobta la isku diiwaangelinayo ee degmada Shangaani, ayaa ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay is diiwaan-geliyaan, si ay u helaan xuquuqda ay u leeyihiin in codkooda ay ku doortaan cidda ay doonayaan.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay dadka Soomaaliyeed u leedahay doorashada tooska ah ee dadweynaha, isagoo xusay in tallaabadani ay meesha ka saareyso nidaamkii hore ee wax lagu soo dooran jiray ee dadbanaa, kaas oo shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dhaafinayey.
โDHAMMAADโ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/