Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐˜€๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ฎ๐˜† ๐—ถ๐—ป ๐˜…๐˜‚๐—ท๐—ฒ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐—น๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ท๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐˜† ๐—น๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ด ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐Ÿด ๐— ๐—ถ๐—น๐˜†๐—ฎ๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ผ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฟ

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—ท๐—ผ ๐Ÿฌ๐Ÿฎ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏโ€”Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabad lagu soo bandhigayey shirkadaha ku guuleysatay sannadkan adeegga xujeyda Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran in ay xalliso dhammaan caqabadaha la soo gudboonaan jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safraya gudashada acmaasha rukunka shanaad ee diinta Islaamka.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badanย  8 Milyan oo dollar, kaddib markiiย  meesha laga saaray musuq maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Guddiga Arrimaha Xujeyda iyo shirkadaha Soomaaliyeed ee adeegyada xajka sida wanaagsan ee ay sannadkanย  u maareeyeen maamulka arrimaha xajka, waxa uuna ugu hambalyeeyey shirkadaha ku guuleystay tartanka.


DHAMMAAD