𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 𝟵, 𝗠𝗮𝗮𝗺𝗼, 𝟮𝟬𝟮𝟯— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Maxamad Hery Saripudin.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Indonesia ayaa intii uu kulanku socday isla soo qaaday xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa, waxayna si gaar ah u dul istaageen muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo iskaashi mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada ah oo dhex mara labada waddan.
–DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia