๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฒ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐ธ๐ฎ ๐พ๐ฎ๐๐ฏ ๐ด๐ฎ๐น๐ฎ๐ ๐บ๐๐ป๐ฎ๐ฎ๐๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฑ ๐น๐ฎ๐ด๐ ๐ ๐๐๐ฎ๐๐ผ ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐บ๐ถ๐ฑ๐ป๐ถ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐บ๐ถ๐ฑ๐ฎ๐๐ด๐ฎ ๐๐๐ฟ๐๐ฏ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ท๐ผ ๐ฌ๐ต, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ โRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan Maalinta Midnimada iyo Nabadda ee Yurub ayaa ugu hambalyeeyey maalintan taariikhiga ah ee muujinaysa qiimaha ay leedahay iskaashiga dalalka, daris-wanaagga iyo wax-wada qabsiga.
Raโiisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Midowga Yurub uu tusaale u yahay ururrada iskaashi iyo goboleed ee caalamka intiisa kale, maadaama ay dhabbaha u xaareen walaalnimo iyo wada-nolaasho shucuubta qaaraddaas, awood maamul iyo mid dhaqaalena ay ku heleen midnimadooda, taas oo waxtarkeedu uu gaaray dalal badan oo soo kobcaya oo ay ka mid tahay Soomaaliya.
โWaxaana ka mahadnaqayaa fursaddan aan u helay in aan bogaadiyo taageerada hagar laโaaneed ee Midowga Yurub ku bixiyo horumarka iyo baraaraha Soomaaliya. Taageerada Midowga Yurub ee dhanka amniga, caafimaadka, waxbarashada, dowladnimada, arrimaha gargaarka IWM, ayaa ah mid loo aayey.โ
Raโiisu Wasaare Xamse ayaa xusay in qorshaha-wadashaqeyneed ee labada sano ee socota ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay dhawaan kala saxiixdeen uu ka tarjumaya mudnaanta ay xukuumaddiisu siinayso xiriirka labada dhinac iyo sida ay muhiimka u tahay in marxaladdan la xoojiyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
โTaageeradiinnu waxay mahuraan u tahay dhismaha nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhalata Soomaaliya, taas oo dhanka kale ka qaybqaadaneysa kobaca iyo horumarka dalka. Dowladdeyda waxaa ka goโan dhisidda hayโado qaran oo wax-ku-ool ah, islamartkaana kulansaday karti iyo hufnaanโ.
Dhankooda, Midwoga Yurub ayaa uga mahadceliyey Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda ka qeyb-galka munaasabaddooda sannadlaha ah, waxa ayna soo dhoweeyeen Geeddi-socodka Wadashaqaynta ee dhawaan la isla ansixiyay, iyagoo ku bogaadiyey dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka dhabta ah iyo horukaca ay ku tillaabsatay, gaar ahaan xoreynta dalka, nabaddaynta iyo horumarinta.
DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia