๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฒ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐ธ๐ฎ ๐พ๐ฎ๐๐ฏ ๐ด๐ฎ๐น๐ฎ๐ ๐บ๐๐ป๐ฎ๐ฎ๐๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ด๐ผ๐ผ๐๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ธ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ญ๐ณ, ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ท๐ผ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ–Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada Amniga, La-dagaallanka Argagixisada, Waxbarashada, Arrimaha Bulshada iyo Biniโaadannimada.
Raโiisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabad lagu sagootinayay Danjiraha sii baxaya ee Mareykanka Larry J. Andre oo ay dhammaatay hawshiisi diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweyneyaasha Dowlad Gobolleedyada Galmudug, Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Mudanayaal ka tirsan goleyaasha Dowladda.
Mudane Xamsa ayaa sheegay in Dowladda Mareykanku ay muddo dheer Soomaaliya ka taageeraysay dowlad dhiska, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay Danjire Andre oo uu sheegay in uu yimid Soomaaliya, xilli adag oo ay dalka ka jireen caqabado amni, siyaasadeed iyo xaalado biniโaadanimo.
Waxa uu sheegay Raโiisul Wasaaruhu in Danjiruhu uu door weynย ka ciyaaray sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Mareykanka.
Dhankiisa, Danjire Andre ayaa ka mahadceliyay wadashaqeynta iyo soo dhaweyntii loogu sameeyay Soomaaliya intii uu ka hawlgalayay.
–DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia