๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ โ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ ๐ฎ๐๐ป๐ ๐๐ฒ๐ฒ๐ ๐ป๐ฎ๐ ๐ช๐ฎ๐ฑ๐ผ ๐๐๐๐๐ฏ ๐ข๐ผ ๐ฆ๐ถ ๐๐ฎ๐ฎ๐ต๐ณ๐๐ฟ๐ฎ๐ป ๐๐ผ๐ผ๐ด๐ ๐ง๐ฎ๐ฟ๐๐ฎ๐บ๐ถ ๐๐ผ๐ผ๐ป๐ผ ๐๐ผ๐ผ๐๐ฎ๐๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ต๐ฎ๐พ๐ผ ๐๐ฒ ๐๐ผ๐๐น๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎโ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ ๐ฎ๐ฌ, ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ท๐ผ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ—Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb galay munaasabadda shaacinta natiijada saddexdii kun ee macallin dowladdu qaadatay oo maanta si toos ah u soo gabagabeysay Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare.
Xukuumadda DanQaran oo xoojinaysa qorshaheeda mudnaanta u leh ee la xiriira kor u qaadida waxbarashada ayaa imtixaan daah furan u fariisisay macallimiin gaaraya ilaa siddeed kun oo macallin taasi si rasmi ah loogu dhawaaqay intii guulaysatay
Raโiisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hadafka Xukuumadda DanQaran yahay horumarinta waxbarashada iyo la dagaalanka jahliga, sidaas awgeed Dowladdu goโaansatay in saddex kun oo macallin ay qaadato kuwaasi oo ka hawlgeli doona gobollada dalka, isagoo intaa ku daray in xukuumadda ka goโan tahay in kor loo qaado tirada ubadka Soomaaliyeed ee waxbarasho u dareerta.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax CabdulQaadir ayaa ka warbixiyey heerarkii qaadasho ee ay soo mareen saddexda kun ee macallin ee ku guuleystay imtixaannaadkii la qaaday.
Mudane Xamsa ayaa bogaadiyey wasaaradda waxbarshada iyo dhammaan macalimiintii imtixaanka qaadaysay sida daah furnaanta leh ee ay u maamuleen, taasi oo muujinaysa in hadda aynu ka sii gudbayno nidaamkii 4.5 ahaa ee wax lagu qaybsansan jiray, balse hadda aynu furnay wado cusub.
โDHAMMAADโ-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
@SomaliGov_Spox
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia