๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐ธ๐ฎ ๐พ๐ฎ๐๐ฏ ๐ด๐ฎ๐น๐ฎ๐ ๐ณ๐๐ฟ๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐ต๐ถ๐ฟ ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ ๐ฒ๐ฒ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐ฏ๐ฎ๐ป๐ด๐ถ๐ด๐ฎ ๐ต๐ผ๐ฟ๐๐บ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐๐ณ๐ฟ๐ถ๐ธ๐ฎ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ ๐ฎ๐ฏ, ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ท๐ผ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qaybgalaya shir Madaxeedka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika oo maanta ka furmay magaaladaasi.
Shirka oo ay ka qaybgalayaan madax ka socota Qaaradda Afrika ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa Isku dubaridka maalgelinta Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door muhiim ah uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.
Raโiisul Wasaaraha ayaa madaxda Afrika kala qaybgalaya dood-cilmiyeed ku saabsan caqabadaha qaaradda Afrika ka heysta qaab dhismeedka dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah ay qayb uga noqon karaan xal waara oo loo helo dhibaatooyinka soo wajahaya Afrika.
โDHAMMAADโ-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
@SomaliGov_Spox
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia