๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ช๐ฎ๐ณ๐ฑ๐ถ ๐จ๐ ๐๐ผ๐ด๐ด๐ฎ๐ฎ๐บ๐ถ๐ป๐ฎ๐๐ผ ๐ผ๐ผ ๐ ๐๐บ๐ฏ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ ๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ค๐ฎ๐๐ฎ๐ฟ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ:ย ๐ฐย ๐ฆ๐ฒ๐ฏ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ,ย ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda dalka Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.
Wafdiga Raโiisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.
Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha biniโaadanimada.