๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ โ๐ฆ๐ต๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฏ๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฒ๐ฒ๐ฑ ๐ ๐ฎ๐ฟ๐๐ถ ๐๐ฎ๐บ๐ฎ ๐๐ถ๐ถ ๐ฎ๐ต๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ป๐ผ ๐บ๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ผ๐ผ๐ฑ๐ฎโ.
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ญ, ๐๐๐๐ป, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ—Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Feredaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey shirka golaha wasiiradda ayaa sheegay in Xukuumadda looga fadhiyo dhaqangalinta heshiiskii Hannaanka doorashooyinka oo fursad qaaliya u ah shacabka Soomaaliyeed in ay ku goโaaminayaan hoggaankooda.
โAnnaga ka Xukuumad ahaan waxaa waajib inagu ah xoreyntii dadka si ay u codeeyaan oo ay xuquuqdooda siyaasadeed fursad ugu helaanโ. Ayuu yiri Raโisul Wasaare Xamsa oo Wasaaradaha faray in ay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.
Raโiisul Wasaaraha ayaa tilaamay in amnigu yahay ajande qaran oo u baahan in la dardargaliyo, dhawaanna Xukuumaddu ay bilaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Khawaariijtu kaga sugan tahay dalka, isagoo faray wasiiraddu inay hoggaan u noqdaan oo ay tagaan furimaha dagaalka.
Raโiisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri โHadafka Xukuumadda #DanQaran waa in aynaan noqon Kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin aynu noqono Kacaan amniga suga oo dalkan nabad kusoo celiya, dayn cafis keena, dastuurka dhamaystira, oo geedi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeyaโ.
โDHAMMAADโ-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
@SomaliGov_Spox
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia