𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮” 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗧𝗮𝗹𝘆𝗮𝗮𝗻𝗶𝗴𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗮𝘅𝗲𝗲𝘆𝗮 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿 𝗾𝗼𝘁𝗼 𝗱𝗵𝗲𝗲𝗿 𝗶𝘆𝗼 𝘁𝗮𝗮𝗿𝗶𝗶𝗸𝗵𝗼 𝗮𝗮𝗻 𝗱𝘂𝘂𝗴𝗼𝗼𝗯𝗶𝗻”

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝗝𝘂𝘂𝗻 𝟬𝟯, 𝟮𝟬𝟮𝟯—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Qarannimada Dowladda Talyaaniga oo lagu qabtay Safaaradda ay ku leeyihiin Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey Talyaaniga kaalinta ay ka qaataan dowladda dhiska Soomaaliya, isla markaana ay ka go,an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.

“Waxaa farxad ii ah in galabta aan idin kala soo qayb galo xuska maalinta  qarannimada Talyaaniga, si aan u xusno xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal, dalkeenna markii uu ka dillaacay dagaalkii sokeeye ee kala dhantaalay, waxaan idin kaga mahadcelinaynaa qaabkii gobannimada badnayd ee Shacabka iyo Dowladdu gacmo furan ku soo dhaweeyeen qaxootigii Soomaaliyeed oo ay siiyeen fursado ay noloshooda dib ugu dhisaan”  ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

–DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

@SomaliGov_Spox

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia