𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗮 𝘅𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝘂 𝗱𝗼𝘄𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮𝗶𝘀𝗸𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗝𝗮𝗿𝗺𝗮𝗹𝗸𝗮

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝘂 𝟰, 𝗝𝘂𝗻𝗲, 𝟮𝟬𝟮𝟯— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Horumarinta iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalka Jarmalka, Jochwn Flasbarth, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Jarmalka, isagoo uga mahad celiyey taageerada dhinacyada badan ee ay siiyaan Soomaaliya ,sida horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada dimiquraadiyadda, xasillinta deegaanada la xoreeyey iyo tababarka ciidanka booliska.

Wasiirka ayaa dhankiisa ka mahad-naqay qaabillaadda loo sameeyey isagoo tilmaamay in dowladda Jarmalka ay si dhaw ula shaqayso Dowladda Soomaaliya isla markaana  xiriir qoto dheer ay  wadaagan labada dowladood, ayna sii wadayaan tageerada ay gacanta ugu geysanayaan dib u dhiska iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka.