๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐ต-๐ณ๐๐ฟ๐ฎ๐ ๐๐ต๐ผ๐ผ๐ณ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐๐ถ๐น๐ถ๐ฏ๐ธ๐ฎ ๐ซ๐ผ๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐น๐ผ๐ผ ๐ถ๐ถ๐ฏ๐ด๐ฒ๐๐ป๐ฎ๐๐ผ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐ฐ๐๐๐ฑ๐ถ๐ด๐ฎ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐๐๐๐ป ๐ญ๐ฏ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ– Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,ayaa Daah-furay Dhoofinta Hilibka Xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo dalka Sacuudiga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya ee ay ogolaatay Boqortooyada Sacuudigu, waxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ay ka heli doonaan dhaqaale iyoย shaqo abuur ka badan kii laga heli jiray dhoofka xoolaha nool.
Mudane Xamsa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin xoolaha, isagoo ugu baaqay ganacsataduna ay maalgashi ku sameeyaan khayraadka dalka, gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Tamarta.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay fursadaha suuqa ganacsiga bariga Afrika, ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee dalalka ku mideysan Dallada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay u tahay ganacsatada Soomaaliyeed fursad muhiim ah oo ay tahay in ay ka faa’iideystaan, iyagoo leh xuquuq lamid ah kuwa dalalka kale ee ku mideysan dallada.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal galisay in Dowladda Sacuudigu ay u oggolaato suuqyada dalkeeda in loo dhoofiyo hilibka xoolaha Soomaaliyeed, kaddib markii ay ku qanceen caafimaadka iyo tayada Hilibka Xoolaha dalkeenna, taas oo qeyb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee horumarinta dhaqaalaha dalka.