Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ต๐˜‚๐—ฑ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ท๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐—›๐—ถ๐—ถ๐—ด๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฌ๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ๐—ค.๐— .

๐—ก๐—ฒ๐˜„ ๐—ฌ๐—ผ๐—ฟ๐—ธ, ๐Ÿญ๐Ÿด ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฝ๐˜๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏโ€” Raโ€™isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo ka qaybgalaya kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee QM oo ka socda magaalada New York, ayaa khudbad uu ka jeediyey kulan lagu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara wuxuu kaga warramay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalku ku tillaabsanayo.

Raโ€™isul Wasaare Xamsa ayaa kulanka warbixin ka siiyey dadaallada lagu hiigsanayo Yoolasha Horumarka Waara ee Soomaaliya ka socda iyo sida ay dowladda uga goโ€™an tahay in dalka lagu soo dabbaalo amni, xasillooni iyo baraare loo aayo, tiiyoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saboolnimo, colaad iyo daruufo kale oo ka dhashay isbedelka cimilada oo ku gudban in sidii la rabay looga libkeeno yoolasha qaarkood.

Raโ€™isul wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Federaallka Soomaaliya ay Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP9) ku jaangoysey Yoolasha Horumarka Waara ee QM, wuxuuna si gaar ah u xusay in laga soo billaabo 2017-kii lagu guuleystey in hoos loo dhigo heerka saboolnimada 15%,ย  sidoo kalena la yareeyey umul-raacashada haweenka 43%, halka heerka wax akhristaka haweenka daโ€™doodu u dhexeysoย  15-24 sare loo qaaday 12.4%.

Raโ€™isul Wasaare Xamsa mar uu ka hadlayey tillaabooyin u qorsheysan dowladda, si loo gaaro Yoolasha Horumarka Waara, wuxuu daaha ka rogey qorsheyaal lagu kobcinayo karaanka dadweynaha, sida maalgashi lagu sameeyo tayada waxbarashada, baahinta fursadaha waxbarashada dalka, hoos u dhigista wax qoris iyo akhiris laโ€™aanta iyo abuurista dugsiyo farsamada gacanta ah.

Raโ€™isul Wasaare Xamsa wuxuu intaas ku daray in dowladdu mudnaan gaar ah siineyso taabbagelinta hannaan lagu kobcinayo waxsoosaarka beeraha dalka, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin casri ah oo wax ka taraya beeqaaminta biyaha iyo waraabka, si looga gaashaanto saameynta daran ee ka dhalata isbeddelka cimilada oo Soomaaliya u nugushahay. Si taas loo suurtogeliyana, Raiโ€™sul Wasaaruhu wuxuu tibaaxay in Soomaaliya ay ay firfircoon qaadaneyso dadaallada caalamiga ah ee lagu hiigsanayo Yoolasha Horumarka Waara.

Dhanka horumarinta xaquuqda aadanahana, Raโ€™isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre wuxuu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu dardargelineyso ciribtirka cunfiga iyo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed, isagoo ballanqaaday in la xaqiijinayo sidii haweenku uga dhex muuqan lahaayeen hoggaanka dalka.

DHAMMAAD

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia