๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐๐ฎ๐บ๐ฏ๐ฎ๐น๐๐ผ ๐๐ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐ญ-๐ฑ๐ฎ ๐๐๐๐น๐ถ๐๐ผ ๐ ๐ฑ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ ๐ฆ๐ต๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฏ๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฒ๐ฒ๐ฑ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ญ–๐ฑ๐ฎ ๐๐๐๐น๐ถ๐๐ผ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada gobol ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luuliyo 1960.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalkan xorriyaddiisa laga soo maray halgan dheer oo ay ku baxeen naf iyo maal ay quureen gabdho
iyo wiilal Soomaaliyeed oo xornimodoon ahaa, isla markaana jiilka maanta jooga looga fadhiyo ilaalinta heybadda Qaranka iyo in loo midoobo sidii cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta dalka looga sifeyn lahaa, si ummaddeenu ay ugu noolaato nabad iyo baraare.
โMaalintan qiimaha badan ee 1da Luuliyo oo ku beegan 63 guuradii xornimada iyo midnimada ummaddeenna, waxay astaan u tahay midnimada iyo wadajirka Shacabkeena, waa maalintii ay dadkeennu xaqiijiyeen Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo madax-bannaan”.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in dareenka midnimo iyo wadajireed uu ku dhex noolyahay quluubta guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, meel walba oo caalamka ay joogaan.
โWaxaana uu u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed in Allaah (SWT)sanad guurada soo socota nagu gaarsiiyo nabad, horumar iyo midnimo.โ
–DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia