๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐ ๐ถ๐น๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ ๐ธ๐ฎ๐น๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐ฒ๐ท๐ถ๐๐ฒ๐ ๐ช๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฐ๐๐๐๐ฏ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ ๐ญ๐ฎ, ๐๐๐น๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiiradda cusub ee Wasaaradaha Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wasiirkii hore Dr Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee loo Igmaday.
Raโiisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadaha xilalka loogu kala wareejinayay Wasiiradda cusub ayaa kula dardaarmay in ay si hufan ay uga soo dhallaalaan waajibaadka culus ee loo dhiibay, iyadoo la waafajinayo qorsheyaasha horutabinta u leh Xukuumadda DanQaran.