๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ญ๐ฏ, ๐๐๐น๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku biiray Kulanka Wadatashiga Madaxdii hore iyo Siyaasiyiinta oo maanta la guda-galayo Ajendeyaasha muhiimka ah ee looga doodayo shirka.
Kulanka oo uu guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS. Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Madaxdii hore iyo Siyaasiyiin kale. Iyada oo looga hadlaaya xaaladda guud ee dalka iyo sidii aragti mideysan looga yeelan lahaa arrimaha muhiimka u ah dalka.
โ
โDHAMMAADโ-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia