𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗴𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗸𝘂𝗹𝗮𝗻 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝗮𝘆𝗲𝘆 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗖𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮.

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 𝟭𝟴, 𝗝𝘂𝗹𝘆, 𝟮𝟬𝟮𝟯— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey horumarinta Caddaaladda iyo Garsoorka dalka, kaas oo ay ka soo qeyb galeen Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha garsoorka.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay fulinta go’aamada ka soo baxa Maxakamdaha dalka oo ay fuliyaan Booliska iyo  sidii ay dhinacyadu si dhow ugu wada shaqeyn lahaayeen, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan garsoor madax-bannaan oo hufan.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu lafa-guray ahmiyadda ay leedahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo shuruucda caddaaladda dalka, si loo waafajiyo hannaanka federaalka ee uu dalka qaatay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad weyn siineyso horumarinta caddaaladda dalka oo udub-dhexaad u ah horumarka la hiigsanayo iyo wadajirka bulshada.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Amniga Gudaha, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaran, Taliyaha Booliska, Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.

–DHAMMAAD—

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia