๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ฎ๐ฐ, ๐๐๐น๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโโ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa dalka ka ambaxay, asagoo ku sii jeeda dalka Tanzania oo uu uga qaybgalayo shir madaxeed muhiim ah.
Raโiisul Wasaaraha iyo waftigiisa oo ay ku jiraan wasiirro ka tirsan Xukuumadda ayaa ka qaybgalaya Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika oo ka dhacaya magaalada Daarusalaam inta u dhexeysa 24-26 July 2023.
Shirkan oo looga hadlayo ahmiyadda ay qaaradda Afrika u leedahay taabbagelinta awoodda dadweynaha, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaraddu hiigsaneyso ayaa mudnaan gaar ah oo ku aadden horumarinta bulshada u leh Xukuumadda Dan Qaran, waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan goโaamo dhaxalgal ah.
โDHAMMAADโ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia