๐๐ฎ๐ฟ ๐ฒ๐ ๐ฆ๐ฎ๐น๐ฎ๐ฎ๐บ, ๐ง๐ฎ๐ป๐๐ฎ๐ป๐ถ๐ฎ, ๐ฎ๐ฑ, ๐๐๐น๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโRaโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalaya Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ee ka socda magaalada Dar e Salaam, ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa.
Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, iyadoo oo Raโiisul Wasaaruhu ka mahadceliyay taageerada dhinacyada iyo mashaariicda uu Bangigu ku taageero shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa ku ammaantay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinaca amniga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa, iyada oo sheegtay in Bangigu diyaar u yahay in Soomaaliya uu ka taageero mowduuca hadda looga hadlayo Shir Madaxeedka ee horumarinta karaanka bulshada ee dhinacyada waxbarashada iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa horumar la taaban karo ka sameysay nidaamka dhaqaalaha waddanka oo hadda cagta ku haya in Soomaaliya ay soo gabagabeyso hannaanka deyn cafinta dhammaadka sanadkan.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia