๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฒ ๐ผ๐ผ ๐ธ๐๐น๐ฎ๐ป ๐น๐ฎ ๐พ๐ฎ๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ถ๐บ๐๐พ๐ฟ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ซ๐๐พ๐๐๐พ๐๐น ๐๐ถ๐ป๐๐ฎ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฟ๐ฟ๐ถ๐บ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ธ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐๐๐ด๐๐๐, ๐ฌ๐ฒ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa oo soo gaaray dalka.
Raโiisul Wasaaraha ayaa xusay in Xamsa Warfaa uu caddeyn u yahay firfircoonida iyo dad la dhaqanka ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan, waxa uuna sheegay in doorka muuqda ee ay ku leeyihiin dalalka horumaray looga baahan yahay in uu ka muuqdo dhulkooda hooyo.
Raโiisul Wasaaraha iyo Lataliye Warfaa ayaa iska xogwareystay xaaladda dalka, dagaalka ka dhanka argagixisada, qorsheyaasha horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul-iinsaanka dalka.
Raโiisul Wasaare Xamsaย ayaa la wadaagay sida ay Xukuumadda Danqaran mudnaanta u siisay ilaalinta xurriyadda hadalka, madaxbannaanida saxaafadda iyo xaqiijinta xogsiinta shacabka ee arrimaha dowladnimada.
Dhankiisa, Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa ayaa uga mahad-celiyey Raโiisul Wasaaraha soo dhaweynta wanaagsan iyo kulanka miro-dhalka ah.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomali