๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐๐ต๐ฒ๐ฒ๐ด๐ฎ๐ ๐ถ๐ป ๐๐พ๐ผ๐ผ๐ป๐๐ถ๐ด๐ฎ ๐๐ฎ๐ฑ๐๐ฒ๐๐ป๐๐ต๐ ๐๐ฎ๐ต๐ฎ๐ ๐ซ๐๐พ๐๐๐พ ๐๐ฎ๐๐๐๐๐ฟ๐ถ ๐ฎ๐ต ๐ผ๐ผ ๐บ๐ฎ๐ฎ๐ป๐๐ฎ๐ฑ๐ผ๐๐น๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ ๐ต๐ถ๐ฟ๐ด๐ฒ๐น๐ถ๐๐ฎ๐, ๐ฎ๐๐ป๐ฎ ๐ต๐ฒ๐น๐ฒ๐ฒ๐ป ๐ฆ๐ต๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฏ๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฒ๐ฒ๐ฑ.
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ,ย ๐ญ๐ฒย ๐ฆ๐ฒ๐ฏ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฎ๐ฟย ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku daah-furay munaasabad ballaaran, qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha 16 Sebtembar.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshadeenna, kuwaasi oo ay kamid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo dammaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Waxa uu xusay Raโiisul Wasaaruhu in Xukuumadda DanQaran ay meel marisay shuruucdii ilaalin lahayd xogta muwaadiniinta, hagina lahayd Hayโadaha ku shuqul leh bixinta iyo keydinta Aqoonsiga Qaran.
โMaanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiinโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa.
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka hadlayey munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha, ayaa hoosta ka xariiqay in hannaankani uuย ย ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadceliyey Dowladda Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo heyโadaha kala ah Bangiga Adduunka iyo UNDP.
DHAMMAADย ย
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia