๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ถ๐๐ธ๐ถ๐ถ๐๐ฎ ๐ธ๐ ๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ถ๐น๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐ณ๐ถ๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐จ๐ธ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ฌ๐ณ, ๐๐๐ด๐๐๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya, Mike Nithavrianakis , oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.
Raโiisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaagay qorshaha Xukuumadda ee ku wajahan dib u xoreynta dalka, taageerada loogu baahan yahay barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyo Khawaariijta iyo dardar-galinta mashruucyada horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo amniga.