๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ญ๐ฏ, ๐๐๐ด๐๐๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโRaโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa magacaabay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.
Raโiisul Wasaaruhu markuu tixgeliyay baahida loo qabo in la dardargeliyo ka hortagga sababaha aasaasiga ah ee dhaliya ama dhiirigeliya fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata, waxa uu magacaabay.
1. Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur โ Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan
2. Mudane Ibraahim Aadan Ibraahim โ Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan