๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ญ๐ฐ, ๐๐๐ด๐๐๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ–Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyay kulan muhiim oo looga hadlayay jiheynta dhaqaalaha dalka marxaladda deyn-cafiska kadib.
Shirka ayaa lagu soo bandhigay talo-bixin ay sameeyeen Golaha Dhaqaalaha Qaranka, oo ka kooban lix qodob oo taabanaya qorsheyaasha horumarineed, sare u qaadidda maamulka maaliyadda oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda dakhliga, xakameynta kharashaadka iyo isuย dheellitirka miisaaniyadda, maareynta deymaha, hufnaanta iyo isla xisaabtanka, nidaaminta shuruucda iyo siyaasadaha ganacsiga dalka iyo xoojinta siyaasadda lacagta ee kaalinta Bangiga Dhexe.
Raโiisul Wasaaraha oo bogaadiyay marxaladda uu marayo hannaanka deyn-cafiska Soomaaliya, ayaa dhinaca kale waxa uu faray Wasaarradaha iyo Heyโadaha ku lugta leh inay dardargeliyaan waajibaadka ka saaran dhameystirka qorsheyaasha marxaladda deyn-cafinta kadib.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia