Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐˜„๐—ด๐—ฎ ๐˜†๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐—ฏ ๐—ผ๐—ผ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐˜†

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐Ÿญ๐Ÿฑ, ๐—”๐˜‚๐—ด๐˜‚๐˜€๐˜, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏโ€“๐—ธ๐˜‚ Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann oo soo gabagabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay Soomaaliya.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay doorka wada-shaqeyneed ee ay ka qaadatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub muddadii ay joogtay, gaar ahaan meelmarinta heshiiskii geeddi-socodka wada-shaqeynta labada dhinac.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga goโ€™an tahay Xukuumadda DanQaran sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee aan la leenahay Midowga Yurub. Isaga oo dhanka kale guul iyo nasiib wacan u rajeeyey Danjiraha.

Dhankeeda, Danjire Tiina Intelmann ayaa ka mahadcelisayย  sidii diiraneyd ee loola shaqeeyey muddadii ay gudanaysey waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

โ€”๐——๐—›๐—”๐— ๐— ๐—”๐—”๐—— โ€”

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia