๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ด๐๐ฑ๐ฑ๐ผ๐ผ๐บ๐ถ๐๐ฒ๐ ๐ธ๐๐น๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐บ๐ป๐ถ๐ด๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐๐ถ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ฎ๐ฎ, ๐๐๐ด๐๐๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardar-gelinta amniga caasimadda iyo sidii looga feejignaan lahaa dhagaraha ay cadowga Khawaarijtu u maleegayaan Shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in dalku uu ku jira xaalad dagaal oo lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la sameeyo feejigaan dheeri ah, si looga hortago isku dayada naf-lacaariga ah ee ay ku khal-khal gelinayaan ammaanka caasimadda.
Raโiisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey heyโadaha amniga sida naf-hurnimada ah ee ay uga hortageen falkii ay maanta kooxaha Khawaarijta ah la damac-sanaayeen in ay ku beegsadaan meelaha ay ku badan yihiin shacabku.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia