๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐๐ถ ๐ฑ๐ถ๐ถ๐ฟ๐ฟ๐ฎ๐ป ๐น๐ผ๐ผ๐ด๐ ๐๐ผ๐ผ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐๐ฒ๐ฒ๐๐ฎ๐ ๐๐ต๐๐๐๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐ฒ๐ฏ
๐๐ต๐๐๐๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐ฒ๐ฏ: ๐ฎ๐ฑ ๐๐๐ด๐๐๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Raโiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Sooamaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb oo uu uga qayb galayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo diiradda lagu saarayo amniga iyo dardar-galintaย hawlgallada dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.
Wafdiga Raโiisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaraha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, masuuliyiin iyo dadweyne farabadan oo ruxayay caleemo qoyan.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diiran ee isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay Dhuusamareeb, isaga oo dowladda Galmudug iyo shacabka ku bogaadiyay sida hagar laโaanta ah ee qaybta uga qaadanayaan halganka dalka lagaga xoreynayo kooxaha Khawaarijta.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia