๐๐ต๐๐๐๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐ฒ๐ฏ: ๐ฎ๐ฒ ๐๐๐ด๐๐๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Raโiisulย Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Sooamaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb galay shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmay caasimadda dowlad gobolleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.
Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha JFS,ย Dr Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa diiradda lagu saarayaa dardar-galintaย hawlgallada dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah iyo xasillinta deegaannada la xoreeyay iyo sidii loo gaarsiin lahaa addeegyada aasaasiga ah ee dowladda.
Shirka ayaa waxa sidoo kale ka qaybgalaya Raโiisul Wasaare ku xigeenka Mudane Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale.