๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐ฌ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐น ๐ฏ๐ฌ, ๐๐๐ด๐๐๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, oo la hadlayey Saraakiil iyo geesiyaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga badan u soo daatay ee dalka looga sifeynayo cadowga Khawaarijta ah.
โHalgankan aad dhiigga badan u soo hurteen lama aqbali karo in la majo xaabiyo, cid walba waa lagula xisaabtamayaa masuuliyadda saaran, idinkuna waxaad tihiin geesiyaalย diyaar u ah duruufta ugu adag in ay kula dagaalamaan cadowgooda, waxaad u dhimanaysaan, u- gaajoonaysaan waa waddankiina oo aad cadowga ka difaacaysaanโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa oo meel fagaaro ah kula hadlayay ciidamada.
Raโiisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dal uusan horumar iyo isku-filnaansho gaari karin haddii uusan lahayn halyeeyo naftood hurayaal ah oo isku dhigaya cadow walba oo soo hujuuma qaranka, isla markaana u sabraya duruufo walba oo soo food saara.
Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka uu sii socon doono inta ay ku harsan yihiin argagixisadu taako ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay garab iyo gaashaan u noqdaan difaacayaasha qaranka ee dhiigooda u huraya xoreynta dalka.
Sidoo kale, Raโiisul Wasaaraha ayaaย warbixinno la xiriira xaaladdaha bulsho ee ka jira Degmada Aadan Yabaal iyo deegaannada u dhow ka dhageystay odayaasha dhaqanka. Isagoo Raโiisul Wasaaruhuย sheegay in Xukuumaddaย DanQaran ay ka goโan tahay in adeegyada aas-aasiga ah la gaarsiiyo dhammaan degmooyinka iyo deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia
#OPM
#SifeyntaKhawaarijta
#SooqaboKhawaarijka
#hakaharinhowgalka