๐๐ผ๐ต๐ฎ, ๐ฑ ๐ฆ๐ฒ๐ฏ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani.
Labada Raโiisul Wasaare ayaa kulankooda kaga wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ciribtirka Khawaariijta, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Bulshada, iyadoo la isku fahmay dhammaan qodobada laga wada hadlay.
Raโiisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar sida ay u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgelisay Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dhismaha jidadka, xarumo dowladeed iyo taageerada dhismaha ciidamada qalabka sida.
Wafdiga Raโiisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe iyo masuuliyiin kale.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia