๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ฒ, ๐ฆ๐ฒ๐ฝ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Qatar, Khalifa bin Jassem Al-Kuwari, oo ay ka wada hadleen dardar galinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qatar ay ku taageerto Soomaaliya.
Agaasimaha ayaa Raโiisul Wasaaraha la wadaagay sida uu Sanduuqu uga goโan tahay kordhinta mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan guud ahaa Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo barnaamijyadda hortabinta u leh Xukuumadda #DanQaran.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay Sanduuqa Horumarinta Qatar mashaariicda muhiimka ee ay ka fulisay dalka iyo kuwa hadda socda, taasi oo qayb weyn ka qaadatay dib u dhiska dalka.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia