๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐ต๐ผ๐๐ด๐ถ๐ถ๐๐ฎ ๐๐ผ๐ต๐ฎ ๐ธ๐ ๐ฏ๐ผ๐ผ๐พ๐ฑ๐ฎ๐ ๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐๐ป๐ฎ๐ต๐ถ๐ถ ๐ต๐ผ๐ฟ๐ฒ ๐๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ณ, ๐ฆ๐ฒ๐ฝ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ,๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu adkeeyey doorka kaga aaddan shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka.
Dhankiisa, Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.