๐๐ผ๐ต๐ฎ ๐ด, ๐ฆ๐ฒ๐ฝ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ—Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaaย magaalada Doha ee dalka Qatar, kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu halkaas tababar uga soconayo.
Raโiisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Saraakiisha rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan ee ah in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Qatar uga mahad-celiyey taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan soo saaridda saraakiil tayo sare leh oo kamid noqda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.