Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐——๐—ฎ๐—ฎ๐—ต-๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐— ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ฐ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ผ๐—ผ ๐——๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฏ๐˜๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ ๐Ÿญ๐Ÿญ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏ— Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay labo mashruuc caafimaad oo kala ah Damal Caafimaad iyo Tallaalka COVID-19, kuwaas oo laga hirgelin doono qaar kamid ah gobollada Dalka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in mashaariicdani ay ku soo beegmeen waqti baahi weyn loo qabo oo deegaanno badan oo muddo dheer ay maamulayeen kooxaha Khawaarijta ah laga sifeeyey, isla markaana ay dadku u baahan yihiin adeegyadii kala duwanaa ee dowladda.

“Xukuumadda DanQaran waxaa ka goโ€™an inay maalgeliso oo dhiirri-geliso caafimaadka maadaama uu aasaas u yahay nolosha bulshada, annagoo xoogga saarayna sidii aan u gaarsiin lahayn deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta adeegyada caafimaadka”.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mashaariicdani ay wax weyn ka beddeli doonaan marka ay hirgalaan tayada iyo baahida caafimaad ee xiligaan ka jirta dalkeenna.

Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabsi Barre ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada sida ay mudnaanta u siineyso bixinta adeegyada muhiimka u ah caafimaadka dalka.

Labadan mashruuc oo ay fulinayso Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ku baxaya lacag ku dhow labo boqol oo Milyan oo dollar. Waxa uuna Raโ€™iisul Wasaaruhu hoosta ka xariiqay in lagula xisaabtami doono heyโ€™adaha hirgelinaya mashaariicdani, si loo xaqiijiyo miro-dhalkooda.

ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  DHAMMAAD ย  ย 

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia

#OPM

#SifeyntaKhawaarijta

#SooqaboKhawaarijka

#hakaharinhowgalka