๐ ๐ถ๐ป๐ป๐ฒ๐ฎ๐ฝ๐ผ๐น๐ถ๐ ๐ฎ๐ฑ, ๐ฆ๐ฒ๐ฝ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waxaa si weyn ugu dhaweeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, kumaankun oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ah.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa munaasabad ballaaran oo ay qabteen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka, hadal uu ka jeediyay waxa uu kaga warramay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan horumarka ay Dowladdu ku tillaabsatay ee dhinacyadfa amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo samafalka.
Raโiisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in dowlanimada Soomaaliya ay hortaagan yihiin saddex arrimood oo kala ah Khawaarijta, Qabyaaladda iyo Musuqmaasuqa, isagoo ugu baaqay Soomaalida Mareykanka inay qaybtooda ka qaataan halganka dalka looga xoreynayo cadowga.
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia