๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ฌ๐ฎ ๐ข๐ฐ๐๐ผ๐ฏ๐ฒ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ—-Raโiisul Waaaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa ka qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Duqii hore ee Muqdisho oo maanta ku geeriyooday Muqdisho.
Raโiisul Wasaaraha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa shaqsi dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo iyo dal jacayl, taasoo uu caan ku ahaa intii uu noolaa.
Salaadda Janaasada marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda , ehellada marxuumka iyo dadweyne .